Saddex Wiil oo Dhalinyaro ah ayaa u Safray Dal kale, waxaana ay dageen Qol ku yaala Fooqa ama Dabaqa 75-aad ee Dhisme aad u dheer.
Ninkii ka shaqaynayay qaybta soo dhawaynta ee Dhismaha ayaa u sheegay Wiilasha Nidaamka iyo Habka Nolosha ee Gurigaas, wuxuuna ku War galiyay in Habeenkii marka la gaaro 10-ka ama Afarta Saac ay Albaabada Gurigu si iskood ah isku xirayaan iyagoo adeegsanaya Barnaamijyo Elektaroonig ah, markaas ka dibna aanay jirin Awood furi karta Albaabadaas, Wiilashiina waa ay maqleen Warbixinta waana ay ogolaadeen.
Waxaa dhacday in Habeenkii xigay ay Wiilashii Waqtigii Albaabadu is xirayeen ka hor yimaadeen QOlkooda sidaana ku seexdeen.
Hase yeeshee Habeenkii xigay ayeey Daqiiqado dhowr ah soo dib dhaceen, waana Goor ay Albaabadu is wada xireen Dadkuna hordaan. Baroor iyo qaylo ayeey isku dareen, waana ay tuugtameen si looga furmo Albaabka, hase yeeshee horaa loogu sheegayoo Barnaamijyada Albaabada xiraya ee Korontada la shaqeeya ma aha kuwo Dad caadi ah ay furi karaan.
Wiilashii waxay isla garteen inay Dhismaha aadka u fog ku koraan Jaranjarada caadiga ah ee Fooqaqa dheer dhex maraysa iyagoo Lugahooda adeegsanaya, waxayna ku heshiiyeen bal inay Saddexdoodu mid waliba Sheeko Qosol ama la yaab leh soo jeediyo si ay Waqtiga isu ilowsiiyaan Mudada ay Jaranjarooyinka ku Lugaynayaan oo aad u dheer.
Midkii hore wuxuu sheegay Sheeko Qosol badan, Wiilashiina sideey u qoslayeen bey ku dhawaadeen inay Jaranjarooyinka kasoo dhacaan, Qayladoodana Dadkii hurdayay bayba ka toosin gaartay, illaa 25-kii Jaran-jaro ee ugu horeysay ay ka gudbaan.
Midkii kale baa halkaas Sheekada ka bilaabay si uu isagana 25-ka Jaranjaro ee kusii xigtay inta laga gaaro usii maaweeliyo Asxaabtiisa, sidii buuna uga qosliyay, illaa Kii Saddexaad uu isagana Sheekadii ka bilaabo si 25-ka u dambeysa ee Jaranjarooyinka ah uu isagana u mootiyo, kolkaas ay ay tagayaan Dabaqii 75-aad ee ay deganaayeen.
Laakin yaabku wuxuu yahay in markii ay iyagoo Daalay oo tabartii ka dhamaatay gaareen Qolkoodii uu Mid iyaga ka mida yiri : Sheekada ugu yaabka iyo Qosolka badan ee aan haayo waxaa waaye inaan Furihii Qolkeena ugagasoo tagnay Jaranjarada ugu hooseeysa ee Guriga!!
Madaxa ayeey wada qabsadeen, waana ay Ooyeen, waayo waxay ku qasbanaadeen inay mar kale 75-tan Dabaq hoos ugusii dagtaan si ay Furahii Qolka usoo qaataan
—————————————-
Sheekadan Xikmadda ku jirta waxaa weeye, Bani Aadamku 25-ka Sano ee Noloshiisa ugu horeysa Dhalinyaranimo iyo Damaashaad bay u badantahay inuu kusoo qaato, 25-ka ku xigta illaa uu 50 JIr ka noqdana Caruur korin iyo Nolol raadis buu ku jiraa, iyadoo intaas wixii ka dambeeyay illaa uu 63 ama Dhowr Sano ku darsado sida Nabigeena NNKH uu ku yiri Xadiith (Umadeyda Da’doodu waxay u dhexeysaa 60 iyo 70, waxaana aad u yar inta kasii sare mareysa), waxay Sanadahaas u dambeeya wuxuu bilaabayaa in Lacagtii uu soo shaqeeyay uu ku bixiyo Caafimaadkiisa iyo daweyn, iyo Howlaha Ilmihiisu ay ka rabaan. Waxaase Nasiib xumo ah.
Xusuusnoow Furaha Janada oo Camalka suuban iyo Cibaada ah wuxuu yaalaa 25-ka Sano ee Noloshaada u horeysa oo ay Awoodaada soo xoogaysanayso, hadaadse kasoo tagto waxaad Rabigaa hortagaysaa adigoo Jeeb maran oo aan waxbana soo qabsan, markaas baad ku biireysaa kuwa oranaya Maalinta Aakhiro Ilaahayoow dib noo celi aan iminka wax fiican oo Cibaado ah soo qabsanee:
No comments:
Post a Comment