Qiso jaceyl oo xanuun badan oo dhex martay lamaane Somaliyeed “Qiso dhab ah
Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Yaasir iyo Nafisa, Yaasir ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xanuun badan ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda Hargeysa, balse waxaan kusoo barbaaray dalka Sacuudi Carabiya, nasiib wanaag sanadkii 2000 ayaa waxaa nasiib u yeeshay inaan soo caga dhigto magaaladda London ee dalka Ingiriiska.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Nafisa ayaa waxaa isku dhex baranay gaari bas ah oo ka dhex shaqeeya magaaladda London dhexdeeda, markii aan baska isku dhex baranay Nafisa ayaa waxaanu kala qaadanay teleefanadii gacanta ee aanu wadanay, sanadkuna waa 2005-tii.
Waxaan bilaabay inaan khadka teleefanka kala xiriiro Nafisa, isla-markaana iyadana waxay ii arkeysay nin aad u wanaagsan, oo waxayba jeclaan jirtay inay ila qaadato waqti badan, mararka qaarkoodna waxaanu ku kulmi jirnay guri ay ku noolleed gabar aanu qaraabo ahayn.
Aniga iyo Nafisa ayaa waxaa isku noqonay lamaane aad isku jecel, oo aan kala maarmin, waxaana aallaaba sameyn jiray wax-yaabaha ay jaceshahay Nafisa, sidoo kale iyadana waxay iga ilaalin jirtay wax kasta oo dhibaato ii keeni kareysa amaba aan dhibsanaayo.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Nafisa ayaa waxay jeclaan jirtay inay markasta i soo qorto dhambaalo jaceyl ah, oo ay ku cabireyso heerka uu gaarsiisan yahay jaceylka ay ii qabto, anna waxaan aad uga helli jiray inaan akhristo dhambaalada xiisaha leh ee ay i soo qori jirtay gacalisadeyda.
Sidoo kale Nafisa waxay ahayd gabar markasta jacel inay i maqashiiso wax-yaabaha ay ugu jaceshahay iyo wax yaabaha ay ugu naceb tahayba, iyadoo taasi ku muujineysa wax yaabaha ay dooneyso inay mustaqbalka igula wadaagto.
Bartamihii sanadkii 2008-dii ayaa waxay labada qoys ee aanu ka dhalaynay ay isku afgarteen inaanu isguursano, waxaanu ku aqal-galnay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaana magaaladda Dubai aanu soo wada joognay muddo dhan seddex bilood oo aanu kusoo qaadanay nolol macaan.
Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa waxaanu dib ugu soo laabanay magaaladda London oo aanu markii horeba wada joognay, markii uu guurkeenu u kasoo wareegay sideed bilood, isla-markaana ay Nafisa i leedahay 4 bilood oo uur ah, ayaa waxaa dhacday in aan isbadal balaaran kala kulmo Nafisa.
Mar kasta oo aan Nafisa weydiiyo sababaha keenay isbadalka xoogga leh ee ku yimid, ayaa waxay igu dhihi jirtay saxib niyad kuuma haayo ee iskakey fasax, oo orod oo guurso naag kaloo niyad ku heysa, hadalkaasi waan la-yaabay, laakiin sidaasi kuma aanan quusan, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxaan maalin maal maha kamid ah aan Nafisa ku iri, walaaley bal i sheeg sidee wax u jiraan, markaas ayaa waxay igu tiri, orod oo lasoo baashaal naagta kale ee aad qabto, naag kale aaaaaaaaa, yaab, yaab, yaab, aniga oo aan wax naag qabin, amaba aan la-sheekeysan ayay igu tiri ereygaasi, waxaana igu soo yaraaday adduunkii oo dhan.
Waxay sheekadu ay isku cakirnaataba ayaa waxaan maqlay Nafisa waalidkeeda oo leh ninkaan kuuma qalmo ee orodoo iska soo fur, caqli xumada Nafisa, iyadoo aan waxba hubsan ayay igu kicisay buuq iyo qaylo xoogan, waxayna igu tiri, i fur ama anigaa dhimanaayo, markii aan arkay inay xaaladdu cirka isku shareertay ayaa waxaan garwaaqsaday inaan iska furo.
Muddo kadib ayaa waxaan maqlay in Nafisa ay igu soo diri jireen qoyska ay ka dhalatay, ilaa hadase ma-aqaan sababaha keenay in Nafisa qoyskeeda ay igu soo diraan gabadhooda, laakiin waxay ahaataba, waalidiinta Soomaaliyeed iyadoo ay fiican yihiin intooda badan, ayaa waxaa hadana jira kuwo dumiya qoysas dhisan, kuwaana waxaa ugu baaqi lahaa in ay ALLE ka cabsadaan, kana xishoodaan.
Nafisa oo hada ii heysa hal gabar oo laba sano jir ah, ayaa waxay iga codsatay inaan dib ugu soo laabto, mana garanaayo qaab aan ugu laabto, maxaa yeelay anigoo aad u jacel ayay dhulka ugu jiiday, weliba waxay iga xumeysay guurkaygii ugu horeeyay.
Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan ka codsanaayaa, bal inay ila soo taliyaan sida aan ka yeelli lahaa Nafisa.
No comments:
Post a Comment