Wednesday, 11 May 2016

Qiso jaceyl oo xanuun badan oo dhex martay lamaane Somaliyeed “Qiso dhab ah

Qiso jaceyl oo xanuun badan oo dhex martay lamaane Somaliyeed “Qiso dhab ah

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Yaasir iyo Nafisa, Yaasir ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xanuun badan ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda Hargeysa, balse waxaan kusoo barbaaray dalka Sacuudi Carabiya, nasiib wanaag sanadkii 2000 ayaa waxaa nasiib u yeeshay inaan soo caga dhigto magaaladda London ee dalka Ingiriiska.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Nafisa ayaa waxaa isku dhex baranay gaari bas ah oo ka dhex shaqeeya magaaladda London dhexdeeda, markii aan baska isku dhex baranay Nafisa ayaa waxaanu kala qaadanay teleefanadii gacanta ee aanu wadanay, sanadkuna waa 2005-tii.
Waxaan bilaabay inaan khadka teleefanka kala xiriiro Nafisa, isla-markaana iyadana waxay ii arkeysay nin aad u wanaagsan, oo waxayba jeclaan jirtay inay ila qaadato waqti badan, mararka qaarkoodna waxaanu ku kulmi jirnay guri ay ku noolleed gabar aanu qaraabo ahayn.
Aniga iyo Nafisa ayaa waxaa isku noqonay lamaane aad isku jecel, oo aan kala maarmin, waxaana aallaaba sameyn jiray wax-yaabaha ay jaceshahay Nafisa, sidoo kale iyadana waxay iga ilaalin jirtay wax kasta oo dhibaato ii keeni kareysa amaba aan dhibsanaayo.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Nafisa ayaa waxay jeclaan jirtay inay markasta i soo qorto dhambaalo jaceyl ah, oo ay ku cabireyso heerka uu gaarsiisan yahay jaceylka ay ii qabto, anna waxaan aad uga helli jiray inaan akhristo dhambaalada xiisaha leh ee ay i soo qori jirtay gacalisadeyda.
Sidoo kale Nafisa waxay ahayd gabar markasta jacel inay i maqashiiso wax-yaabaha ay ugu jaceshahay iyo wax yaabaha ay ugu naceb tahayba, iyadoo taasi ku muujineysa wax yaabaha ay dooneyso inay mustaqbalka igula wadaagto.
Bartamihii sanadkii 2008-dii ayaa waxay labada qoys ee aanu ka dhalaynay ay isku afgarteen inaanu isguursano, waxaanu ku aqal-galnay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaana magaaladda Dubai aanu soo wada joognay muddo dhan seddex bilood oo aanu kusoo qaadanay nolol macaan.
Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa waxaanu dib ugu soo laabanay magaaladda London oo aanu markii horeba wada joognay, markii uu guurkeenu u kasoo wareegay sideed bilood, isla-markaana ay Nafisa i leedahay 4 bilood oo uur ah, ayaa waxaa dhacday in aan isbadal balaaran kala kulmo Nafisa.
Mar kasta oo aan Nafisa weydiiyo sababaha keenay isbadalka xoogga leh ee ku yimid, ayaa waxay igu dhihi jirtay saxib niyad kuuma haayo ee iskakey fasax, oo orod oo guurso naag kaloo niyad ku heysa, hadalkaasi waan la-yaabay, laakiin sidaasi kuma aanan quusan, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxaan maalin maal maha kamid ah aan Nafisa ku iri, walaaley bal i sheeg sidee wax u jiraan, markaas ayaa waxay igu tiri, orod oo lasoo baashaal naagta kale ee aad qabto, naag kale aaaaaaaaa, yaab, yaab, yaab, aniga oo aan wax naag qabin, amaba aan la-sheekeysan ayay igu tiri ereygaasi, waxaana igu soo yaraaday adduunkii oo dhan.
Waxay sheekadu ay isku cakirnaataba ayaa waxaan maqlay Nafisa waalidkeeda oo leh ninkaan kuuma qalmo ee orodoo iska soo fur, caqli xumada Nafisa, iyadoo aan waxba hubsan ayay igu kicisay buuq iyo qaylo xoogan, waxayna igu tiri, i fur ama anigaa dhimanaayo, markii aan arkay inay xaaladdu cirka isku shareertay ayaa waxaan garwaaqsaday inaan iska furo.
Muddo kadib ayaa waxaan maqlay in Nafisa ay igu soo diri jireen qoyska ay ka dhalatay, ilaa hadase ma-aqaan sababaha keenay in Nafisa qoyskeeda ay igu soo diraan gabadhooda, laakiin waxay ahaataba, waalidiinta Soomaaliyeed iyadoo ay fiican yihiin intooda badan, ayaa waxaa hadana jira kuwo dumiya qoysas dhisan, kuwaana waxaa ugu baaqi lahaa in ay ALLE ka cabsadaan, kana xishoodaan.
Nafisa oo hada ii heysa hal gabar oo laba sano jir ah, ayaa waxay iga codsatay inaan dib ugu soo laabto, mana garanaayo qaab aan ugu laabto, maxaa yeelay anigoo aad u jacel ayay dhulka ugu jiiday, weliba waxay iga xumeysay guurkaygii ugu horeeyay.
Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan ka codsanaayaa, bal inay ila soo taliyaan sida aan ka yeelli lahaa Nafisa.

Sheeko Jacayl ah Xusuus iyo Murugo Qalbigaaga ku.


Sheeko Jacayl ah Xusuus iyo Murugo Qalbigaaga ku....

Waa habeen xasuus mudan qofkasto oo ibnu aadan ahna uu ku qasban yahay in uu qoro ama uu xuso dhibatooyinka iyo qisooyinka ku dhaco , waxaan ahaa wiil somaliyed oo ka hela in uu is ticmaalo aalada INTER NET ka si daran waqtigiisana ku bixiyay aniga oo jeclesanaayo xariirka aan la samey nayo dad badan aniga oo ula
jeed kayga markaasina uu yahay in aan ka barto bulsho iyo asaxab qiimo leh ba.
waxaa habeen habeenada kamid ah, aan kula kulmay meelaha lagu shekesto ee aalada Net ka, aniga oo markasto jeclaa in aan galo qolol ka diiniga iyo tar tanka Qur'aan ka karim ka, ayaan waxaan kula kulmay, qol aan ku jiray ee paltalk gabar igacodsatay in ay i weydiiso su'aalo badan waana u ogolaaday, waxay i weedisay magaceyga iyo halka aan dunidan baaxada weeyn aan kaga noolahay, waxaana ku iri waxaan ku noolahay dalka Egypt, waxa ay i weeydiisay waxa aan ku haayo egypt, waxaan u sheegay in aan u joogo in aan ku dhamesto leeman, waxaa ay i wediisay wax xariir ah in aan lee yahay, waxaana sida runta ah uga waramay in aana leheen wax xariir iyo reerba, waxa ay iga codsatay in aan xariirno weliba aniga oo xaqiiqda ka hadlaayo, sida runta ah aniga ma ku xeel dheeri isticmaalka Chaat roomka iyo qaab kiisa shukaansi, mana ihi sida aan maantay ahay oo aan qisada daabacayo, sida markii aan is baraneeynay gabadha, waxaan meshii ku gaarnay go'aan kaas oo ahaa indho aan ayada eheen in aana yeelan waqti kastona aan kulano,
waxayna ii sheegtay magaceda oo ay itiri IDIlL iyo addres ka wadanka ay dagan tahay iyo weliba Tel keda, intaas kadib waxaan u bandhigay gabada, in aana xariir siin karin ilaa ay ayada soo bandhigto waxa ay codsaneyso in ay hesho, waxaana ku xujeeyay in ay isoo wacdo isoo xariiriso mar kasto, maadaama ayada ay horeyso intaa ka dib waxaa na dhex maray xariir maalmo socday, kadib waxaan u diroba waa ay sameysaa tilaabo kasto oo aan ka codsado in ay ii sameysana waa ay ii sameysaa, ayada oo sawiradeeda iyo hadiyado Romanceba iigu soo dirtay posto fariimo badan oo aan hada qori doonona iigu soo dhiiibto live ahaan, aqristoow gabadhu ilaah waa uu ka dhameestiray dhan walbo, indhihii mar eegaahina dib u ma jalee caan, dhibaatooyinkan ziyaada da noqday ee maantay jira iyo sida ay maantay beenta iyo dhibatoyinka ay u jiraan uma jirin xiliga aan la kulmaayo gabadhaas, mana aysan eheen dhalinta maantay sida ay ugu cayaaraan caashaqa iyo xariirkaba markaas aan aniga gabadha baranaaye,
aqristoow hadal badan haan ma buuxsho, waxaan gabadha kala kulmay, wado kasto oo rumeyneysa xariir keda, kana dhab shegeso qalbigeda, aqristoow, waxaa tahay ibnu aadan waxaad leedahay dareen, aan is celin karin mar hadaa hesho wax aad is ledahay anfac bay lee yihin, waxaan qalbiga si sugan oga soo gooyay in aan helay qofkii mustaqbal keyga, ayada oo aan dhan walbo ka eegay dibna aan u raacay dabcigeeda iyo qiimenteda, iimana soo bixin wax aan ehen 100 %, aqristoow, nin meelu u cadahay meelu ka madoow, waxaa si lama filaan ah iigu baaxay iiguna saaqay ka helitaan aan u qaaday gabadha, aniga oona jecleen marka ay iga soo dib dhacdo, isla markaana aniga aan galaayo waqtiga aan la balan sanahay sacad ama labasaac ka hor, mudo markii aan wada soconay, ayaa waxaan gaaray in aan dhibsado kista yarta ay iga soo daaheyso iyo mararka qaar oo card ka telfonka ay igu soo weceyso oo yaraanayo, ayadu waa ay danesataa, waa ay sahqeysata, waxna waa ay barataa, ana waa ii daney neysa , oo aniga dartay waxay u gooynyesa mararka qaar howleheeda, aqristow, waxaan si dhab ah u jeclaaday gabadhii, IDIL waqti kasto waxaan dul taaganahay INTER NET ka , miir aan IDIL eheen malihi, hadal aan idil eheena iguma socdaan , gabadhii aan arkaa ama aan maqlaa waxay iila muuqataa IDIL, aqristoow, waan seexanayaa oo weliba gam'ayaa waase su'aale miyey riyadeedu i deyn.? waa riyada mida aan ku farxo, mida aan ku salalo, habeen walba ku hadraayo,waqti walbo aan u dul taagnahay halkani, way i daashatay si aad ah weliba, xusuus, sheeko & hadal-ba ayada ayaa ii noqotay, waan ka fekeraa mar walba, aniga oo wax walba ka hormarinaya raali ahaanteeda waxaanse qalbigayga kula yaabanahay sida ay ugu weenaatay IDIL waxaan mar kasto oo aan u xiiso oon la har sanwaayo aana la hoyaadi waayo dabka ka shidan qalbigayga, waxaan isku sa sabaa ayada oo offline ah in aan Message u dhaafo aniga oo leh.
Ka: Tinish yare
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL
iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan, waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn oo uusan walaal u hibeyn walaalkii ama aabe uusan u hibeyn wiilkii, been kuuma sheegin weligey, naftuna waxay ku talax tagtay Jaceylkaagii oo mar walbo aan niyada ku haayo,aqristow, mudada aan IDIL la socdo waa mudo ku dhawaatay 1 sano intaasna weligey dib u dhac iyo been balan ka bax iyo wax keeni karo qilaaf kuma aana arkin, aniga majirto wey aan u dib dhicikaro maadaama nin wax jecladay aan ahay, isla markaasna maantay asiga aana awoodin in birta loogu dhifto, mar kastona waxaan ka dadaali jiray been iyo is badal in aniga la iga helo aniga oo kalsoni aan ayada ka sameysanaye siiyay baswer ka magaceyga iyo wax kasto oo INTER NET oon ka is ticmalo oon heysatyba aan farta ka saaray, si ay ugu cadaato in aan kili u ahay, anigana waxaan la ama kaag sanahay, riyada aan ku jiro iyo mar walbo sida aan ugu dhoho hadalada macan, si ay iigu dan qato, waxaana iraahdaa xili kasto waxa ay iga mudan tahay, aniga oo macaanka aan u qabo malinba malinta ka danbeyso oow igu sii kor dhaayo, aniga oo leh ,
IDILey dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan
IDILeey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go'ayoo, hurdo dhinac ma seexdo
adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin,
intaa iyo in ka macaanba kama daalo in aan la xariiro IDIL, isla markaana uu ugaaro xariir kena weynaantisa labada dhinacba, isla markaana aniga laftayda aana qabin wax shaki iyo dhib aan ku qabo xariirka IDIL, isla markana aysan jirin wax aniga xageyga ka imaado oo dhib ah, oo keeni kara in aan niyad jabo, run ahaanti mana awoodo in maantay dhib aan kala kulmo IDIL maxaayeelay waxaan ka jeclaaday wax kasto oo kasoo haray allaha abuuray adunkaan iyo rasuulka usoo dirsaday iyo kitabkisa ,
Idiley wad iyo calaf waxaan ahayn,inay nakala weeciyaan jacaylkeenaa kaweyn,waqtiga wuu soconayaaye,inaan wiigba ceyn ahaano jaceylkeena aa kaweyn, koley wadnayaal israacey,waxaa weerara was waas,wax kastoo oo nagu yimaado,ma wiiqaan jacaylka-oo,jacaylkeenaa kaweyn, nafba waxaa u qaali ah qoftii ay jeclaatee, nin uu caashaq qalaayana sir maqarin karaayee, indhuhu quusan maayaan waanada maqaataan talo kuma qancaayaane , qallaa layga marayaa qiiq baa leygu shidayaa hadana waa qar qarayaa oo waa qaboo babahay , qeys baan ladiris ahay qabri baan ku dhawahay,
gacalisadaan jeclaayeey,guud ahaan adduunyada
adaan kaa garwaaqsaday,gaduudkaaga dhiinka ah baa
gebigeey isaaqay
axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale
god inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa
garaadkey wuxuu isiiyey guur inaan yagleelnoon gurigeey ku geystoon
gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?
intaa hadal iyo af macaani ee aan gaarsiinayo, aqristoow is ma dhihin hal marna ma dhici karta in qofkaan aad cal fan weyso, ma dhici kartaa in aysan eheen mida aad kula dakeyn doonto dunida dusheeda, mar kasto oo aan dad aan ka maqlo naagu waa sir kaliya, waa dabin xun yihin, naftayda, waxaan ku sa sabaa, waxa beenta iyo boro bogan daha isku sheego e caashaqa beenta ahna isla dhiso in ay yihiin wax islaam nimada iyo imaan kuba uu ku yar yahay, xikmaduna waa tan oraneyso, Tilaabo aan loo dhalan lextaako ma dhaafto , sidaa darteed anigana waxaan aamin sanahay beentu in ay raad gaaban tahay, qof mudodaan aan is wadnona in aysan waqtigaas oodhan aysan been iyo lug gooyo aysan ku bixineen, sidaa darteedna aana dhag u dhigin dilaaya yaasha caashaqa oo markasto noqon karo afka saxibadaada iyo bulsha daada ayaga, oo inta badan ay jeceyl yihin in ay kaa booriyaan sida aad isku raacisay , lakin laba kala bariday kala warla , waxa aan dha dhan sanaayo, iyo macaanka aan qabo ma ay u jedaan hee!!!
ana kama daalo in aan maalin kasto diro E-mail kii la iiga bartay, aniga oo E-mail ka aan diro usan u ekeen kii shalay aan diray, waloo meel yar xitaa aysan iska soo galin, ee uu yahay maalin kasto Message aan diro mid kasoo go'ay qalbi macaan iyo dareen caashaq leh, waxaana iraahdaa markasto oo aan fariin u diraayona hadalo la jeclesan karo, hadaa aqrisana aadan is celin karin hadaa wax jecesha hay ama lagu jecel yahay,
Idiley dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay
diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay
waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan
diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo
ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo
ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo
haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey
daa'inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa
deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo
aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen
hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay
jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo
Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon
duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy!!
muduo markii ay ka soo wareegtay xariirkeeni, waxaa habeen habeenada ka mid ah ay iga soo wacday tel ka, ayada oo igu leh waan yara mashqulay baby sorry ma aana kuu soo sheegin, hoolbaan ku mashquulo, maba aana joogin xaafada iyo halkii aan ku kulmi jirnay, dhib uma aana arkin is badalna uma aana dareemin, balse nin aanwax ogeen alle ma cadaabo, Tinish waa nin wa hore laga tashaday, mudo kadib ayaan soo baraarugay, oon iri saan shaqo kaliya mahanee waa maxay fitnadan imaatay, oo honey aad u maqli la'dahay waxaan u diray Tel waa ay iga qabatay lakin ma calfan in ay ila hadasho markii ay maqashay codkayga, ayna fahantay in aan aniga ahay, hoosha waxayba u badashay Anser meshin oo la igu yiri IDIL ma joogto wixii fariin aad u heyso halka ugu dhaaf waxaa igu baryay waaga waxaan is iri shalayba markii lagu rabay mala weynin waqti iyo firaqo fariin la igu soo gaarsiyo mana jirin tel la iigu xiro mashin ama la igu dhageesto, ee maantay marki la iga daba tagoo la ogaaday in aana ka maarmin miyaa waqti la'aaniyo broblem imaaday, waxaan fikiray E-mail baadi goob ah in aan udiro islma markaana aan ku ogaado halka fitnada ay ka socoto iyo cida mas'uulka ka eh , aniga oo leh ,,
walaaley sanku neeflaha oo idil,
Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu sarreysay
samaantii u dhalatay suuraddaada wacaniyo
Sidii qaabkii xuurul cayntii,
sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka shuban, iyo
sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u eegaba
In leygu saaqay ma ogtahay, suntii jaceylkaa I gaartoo
seben hore I haleeshay, hadaadan I saacidin
caashaqa si wanaagsan aadan iila qaban
maxaa ii danbeyn doono ?
aduunkaanu joogno hadduu qof ku amaano
abaal uu kuu galo Lama ag maro,
asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku jeclahay
dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday dumaro koo idil
Ee daadka caashaqaa Igu beertay,
afka ka awoodi waayey uurka siduu tebaayo,
aduunyada Illaaheey marba waa ayaan si ah
aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii
mar buu anfac leeyahay !!
mudo markii aan aqbaar ka waaye IDIL anigana aan u xiiso qabo baa, waxaan maalin maal maha kamid ah isku aragnay MSN ka, iyada oo igu qancineyso in ay hooyo xanuun satay isbitalna ayla gashay waxaan ahay ruux ubaahan gabadha, qalbigedana aan ka maarmin, ma awoodo in aan xanaaqo, ma awoodo in aan qalbigeyga nabsi aan ka galo, oo xumaato iyo is fahandaro aniga iga timaado, uu ku waayo gabadha waqtiga dheer uu u dhafraaye, una duleesnaa, waal kiisan ku iloobay, isla markaana aana ku dhihin wax xanaaq leh iyo cuqdad iyo edeeyn intaba, ee waxaan ku qancay warkii ay igu tiri balse waxay iga diiday wax aan ka codsaday, waxaan ku iri baby isma aana maqlin ku dhawad 5 week, taasna waa ii ayaan daro, waxaan ka codsanaa in aad isoo wacdo hada, marka aad qadka ka baxdo, lakin waa maalinti iigu horesay ay igu tiri hada anaaba kula jogaa he maxaa ku falee Tel, waa filin iyo fitno bilow geed aniga oo is dajinaayo baa waxaan ku iri honey, halkani waa qoraal sida aad ka ahina iskuma dareen siin karno dhawaca yada jaceyl, daawoyinkooda ee isoo wac waad ku qasban tehee,aniga saas waxaan u leeyahay waxaan heystay, kalsooni la igu maqlo, codsigeygana lagu tix galiyo, lakin nin waa hore filin kisa la laabay in aan ahay isma ogi , si kaftan ah lakin aana kaga baran iyo fara kacayaar bay igu tiri bro ma haayo waqti aan kugu soo woco, lakin waan ku soo wici doonaa !! hadii alle musiibo kula maago waa gooni lakin waxaan la yaaba nahay wajigan qarsonaa ee caawa soo if baxay, si naxdin iyo dhidid leh baan ku iri honey
Go'aan aynu gaarnay hadal aan guntiisii kuu soo gabagabeeyay goormuu gefkani dhacay, guul baan filayee godol baan ka sugayee goormad fitnada ulabisatay , miyuu guray wanaagii..? ma adaa gooyay nabadii.? mise nacab gur-guurtoo godobteena jeceloo ina kala gudbinayaa jira, anna geerideydiyo guul darrooyin ila raba, adna gacan shisheeyiyo in aad guurba seegto guumowda kula raba, si qosol leh oo ana kaga baran IDIL in ay ii isticmasho aniga ay tiri loooolkkkkkkkk
waad hadleysa weliba waxaa ku fiican tahay in abwaan lagaa dhigo bro aniga waan fikiray weli sidagan oo tar tiib ah aan u fikiray, waxaana ii soo baxday in aana is haleyli karin maxayelay aniga waxaan rabaa boy friend kayga in uu akta iga fadhiyo kol kasto oo aan isku baahano mana awoodo intaan ka badan in aan ku sii lug gooyo , ee sorry bro , waagaa igu bar yay lug gooyo iima harin meesha Bomka uu iiga qarxaayona ma ahan gurigayga iyo ayada horteeda midna ee waa Net Cafe oo umado badani ay fadhiyan hareeraheyga, ku kasto oo isoo eegana ilmadeyda wuxuu yiraahdaa madhibaa lagaaga soo shegay reer kii muqdisho, lool cidoo dhan haday dhintaan oo ay dhamaadan ma u maleenayo sida duul kan ilintisa ay ii xanuujisay in ay ii xanuu jineyso uurka, lakin aniga oo hadlayo misana isleh kolba way ku tijaabine oo dumar qayanadii lagama salgaree inaa iska ordeyso iyo in kale ay tijaabine naagu wa balaaye ee is celi baleey kuu danqataa , markaas ayaan waxan iri
IDiley dooqiyo jaceylkuba dadka wey wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama waayo,
diintiyo qur'aankuna culimadu ma deyso,
anna doonistaadii kama daallin inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
IDiley cowsha duurka joogtiyo , dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
marhadii alle wax kula doono ama garab kaaga oow ka boxo umada uma ekid qofkii naxaris iyo af macani iyo danqasho cashaq iyo darenkisa iyo suntisa in aana lagu ca cayaarin iga waanin jirtay ee weligeed igu dhihi jirtay sida aan kuu jeclaaday aadane koonkaan joogo ee aan u jecladay maleh ayaa caawa aqristow waxa ay igu lee dahay bro iga rali noqo!!!!!! runti aniga saxib wan lahaa lakin adiga marka aan ku baranaaye asiga ayaan ku xumeenaaye oo qilaaf inoo dhaxeeyay, hada markii aan heshiinayna adiga waxaan diidaaye in aan muraayada kaa jabiyo maadaama aan ogahay in aad Zaa'id ii jecesha hay, marka saas ayaan qadka u soo gali waaye, weliba saxibkay ayaan farimaha adiga aad soodirto tusay aqristayna, marka bro adiga waxaa tahay qof muhim ah qof fiican bro nabsi in aan kaa galay, oo aan qalad kaa galay oo aana cafis leheen waan ogahay, lakin bro aniga lafteyda waan iskaga kaa ciyaaraye!!! oo saxiib kay xarash aan u haaye ayaan adiga kaala so dul dhacay ee bro wax aan sameyona ma kasaayo weligey haben kuma sexan jaceyl aan adiga kuu qabo intaas oo waqti aad igu lumisayna ka raali noqo!!! runti ma jeclen in aad dartey u waalato ama u noqoto mid ka dheeraado jaceyl kiisa runta ah dhib aniga aan kuu geestay dartiis, ee bro waa iska caadi waa iska aduunyo ha u bixin, intaas marka aan afkeeda ka maqlay,!!!!!!!
aqristow maxaa ila gudboon in aan sameeyo?
aqristoow qofkani asigana waxa uuba taagan yahay waan kugu tijaabinaye, oo cayaar bayba iga eheed ana waxaanba taaganahay saacad dharka hadaan tuurana, aan u heesto in aan weli xaragonayo, lakin waxan ku iri ,,,,,,,,,,,,
idileey ogoow irid baa furmeysa, nasiibkaa isxaami ilaa aakhira saacaha, Ifkaan kuugu jeclahay, inaan ku waayo waa ii ayaandaree ,inteed joogtaa kuu ooyaye,
Inteed joogtaa kuu ooyaye, ilmadu iga qubatayee ,Ideecadaha aduunka, akhbaaraadka cusub Ogeysiisyad iyo wararka, isgaarsinta caalamka Joornaalada afka dheer , ee abaara runta ,aaladaha internetka, web siteyada emailada iyo Chat inka lagu qoro afaraha Romance iyo Is araga MSN ka, miyaadan ka akhrinin ereyadeyda Jaceyl ,Inaan wacadkii iloobinoo, wali kuu oomanahay, Adigoo kala laguma uumin aduunkee, mana arki doonee ololkii caashaqa ee oofaha i gooyay, miyaadan ii ogeyn,
axdigiyo jacaylka ururada caashaqa ee aduunka ka jira ajendaha ay qoreen asxaabtii la aasey ee caashaqu idleeyey ,abwaanada wax alifee suugaanta abuura miyayna ku ogeysiin inaan wacadkii iloobinoo wali kuu oomanahay ,,
Ifaalaha jacayl ubixii aan beerey, udgaayee carfaayay Idiley magacaa amaan iyo aamin ilaaliye dhaartii wadnahayga aamin ii iftiinshe aragaaga, adimihiyo xubnaha Diidey iney irdheeyaan axdigii adkaa igu yiri aduun iyo aakhiro iilkii xabaasha asxaabteyda runtaa oon taariikhdeyda iloobeyn miyaysan Ku ogeysiin inaan wacadkii iloobin oon wali ku oomanahay, aduun waa calaf ogow dartaa ama aduun ama aakhiro,
aqristoow ma garanaayo cid aan nabsi ka galay si aan ugu duceysto, waan hurdaa waana soo jeedaa IDIL darteed, misna waan socdaa aniga oo aanan garaneyn halka aan u socdo, waana ka haraadsanahay wax kasta oo aan cabo, mana garanaayo waxa aan ku oon bixi karo, mar hadaad garab keyga ka baxday waxaanse qalbiga ku hayaa alle in uu u adeego adoomadisa masakinta,
waxaan dareemayaa in aan ahay qof si wax ka yihiin, gocoshaduna ku weyn tahay, waxaan qirayaa in aan qalbiga kugu qoray, laabtana kugu sawiray la'aantaana nolosha ay san ii dha dahmen, in kastoo igu tiri wax aana kaa astaahilin qof muslin ah kugu dhaqan iyo diin ah na aan lagu dhihin, lakin nabsi waa kii soo if baxaa ana nabarka aad igu dhifatay waa mid xisaab tisa ay imaan doonto !!!!!!
aqristow xayi adag ma ihi, xabaal weli ma gelin, waan xanuunsanahoo xigto & dadkii ma xushmeyn karo, xishood waan ka tegay, xad dhaaf waali & nin xir-xiran ma'ihi tii aan xusahana xero dhaaftaye, maxaad igala soo doontay asal kaagii hore qalbi meelesan, maxaadse caashaqa qoobka cayaarka iigu dishoo miraayadeyda ugu qarxisay , maxaadse qalbi aadan ii heynin iyo niyada iiga dhigtay mid ii baahan, jaceyl aadan ii qabina maxaa iigu beertay, mise filin ayaad dhigeysay oo qarash baa kuu socday, mise Sheeko ayaad igu alifeysay, mise Musal Sal ayaad sameyneysay mise Entertaimanti wax eh ayaad i mooday aniga miyaadan ogeen Romance gu in loo jiisobo loo sakaraaday duulal badanina naftu ay u wayeen, mala socotaa nabsiga aad geesatay sida aan unoqday mase u jeedaa xaalka aan ku suganahay mise dareen santahay. IDIL maalin ima soo marto illaa waan ooyaa adiga owgaa lakin dhibkaad hor marsataahi waa ku kuu danbeeyo ee
IDILEY miyaadan rabi leheen oo beer danqadaahi kugu oolin ?!!!!!!!!!!
aqristo meel kasto ood caalamka ka joogtaan, qisadan xaqiiqda ah ee aan farsamo iyo caqli isku tagay ku imaan ee qof ay si rasmi ah live ay ugu dhacday qalbigisa oga qoray, waxaan aqristow idin kaga digaa Dad kaan badalmay iyo duun yadan halow day ee qabiil kiyo aanfada u ban baxday, ee lug gooyada iyo dhibaatada u istaagtay,iyo dumarkaan ibtiloboo hawadooda raacay, in dhalin yarooy imaankiniyo qalbigiina aysan aan fayninee, oodnaan u dayicin mustaqbal kiinee oodnaan isa siininee ood ka digtoonaataan hagar daamada haweenka maantay jira, si aad naan ugu dhicin dabinka an ku dhacay iyo sida aan ku suganahay maantay, dhibaatoyinka Singal Mum iyo Girl paltalk ku jirto iyo Chat rom I.W.M ee ka danestoo dantiina aqoon sadoo nin walbo mehradii loo dirsaday haka faa'ideystoo ha iska yiraahdo niyada dib baa loo noqon donaa oo xal iyo daganaasho waa soo car fayahe maxaad qabsan doontaa, maxaadse ku nolaan doontaa mustaqbal ka soo socdo, ee caashaqan qawda maqashii waxna ha u qaban ta ah iska indha xiroo iska dhaga tiroo danahiina muhiimka ah ka raacda.
anaa go'oo firinbi igu yeroo i aamino tilbada i qabsatay adigaba way kugu soo socota, dhilinyaroy is jiroo maankiinana celiyoo dadbaa hortiin caashqu aan feyoo ibtileyee baan dheeyay awgiise lana il daran ilaa maantay ee taarikh yesan ku qabsan adoo indha ku fiiqan yihina ha iska dhigin nin aan wax ogeenee...
Waxaa ay qisadan ka dhax dhacaday wiil iyo gabar kala joogo Egypt iyo Holand

layaabka Dunida

7-da Meelood Ee layaabka Dunida Ah  Waligaana Aadan Maqal


Dhulka dushiisa waxaa ku yaalla , Meelo, harooyin iyo buuro  aad u qurux badan , Adduunka waxaa ka jira 7- meelood oo loo aqoonsan yahay inay yihiin meelaha dunida ugu cajiibsan dhanka dabeecadda ilaahay u abuuray markaad eegto waxaa kamid ah goobahaas :-
1) Jeju Island – South Korea















2) Puerto Princesa Underground River – Philippine















3) Alejandro de Humboldt National Park – Cuba


Tuesday, 10 May 2016

Sadaxdii Wiil ee Safray Sheeko Xiisa Leh

Saddex Wiil oo Dhalinyaro ah ayaa u Safray Dal kale, waxaana ay dageen Qol ku yaala Fooqa ama Dabaqa 75-aad ee Dhisme aad u dheer.
Ninkii ka shaqaynayay qaybta soo dhawaynta ee Dhismaha ayaa u sheegay Wiilasha Nidaamka iyo Habka Nolosha ee Gurigaas, wuxuuna ku War galiyay in Habeenkii marka la gaaro 10-ka ama Afarta Saac ay Albaabada Gurigu si iskood ah isku xirayaan iyagoo adeegsanaya Barnaamijyo Elektaroonig ah, markaas ka dibna aanay jirin Awood furi karta Albaabadaas, Wiilashiina waa ay maqleen Warbixinta waana ay ogolaadeen.
Waxaa dhacday in Habeenkii xigay ay Wiilashii Waqtigii Albaabadu is xirayeen ka hor yimaadeen QOlkooda sidaana ku seexdeen.
Hase yeeshee Habeenkii xigay ayeey Daqiiqado dhowr ah soo dib dhaceen, waana Goor ay Albaabadu is wada xireen Dadkuna hordaan. Baroor iyo qaylo ayeey isku dareen, waana ay tuugtameen si looga furmo Albaabka, hase yeeshee horaa loogu sheegayoo Barnaamijyada Albaabada xiraya ee Korontada la shaqeeya ma aha kuwo Dad caadi ah ay furi karaan.
Wiilashii waxay isla garteen inay Dhismaha aadka u fog ku koraan Jaranjarada caadiga ah ee Fooqaqa dheer dhex maraysa iyagoo Lugahooda adeegsanaya, waxayna ku heshiiyeen bal inay Saddexdoodu mid waliba Sheeko Qosol ama la yaab leh soo jeediyo si ay Waqtiga isu ilowsiiyaan Mudada ay Jaranjarooyinka ku Lugaynayaan oo aad u dheer.
Midkii hore wuxuu sheegay Sheeko Qosol badan, Wiilashiina sideey u qoslayeen bey ku dhawaadeen inay Jaranjarooyinka kasoo dhacaan, Qayladoodana Dadkii hurdayay bayba ka toosin gaartay, illaa 25-kii Jaran-jaro ee ugu horeysay ay ka gudbaan.
Midkii kale baa halkaas Sheekada ka bilaabay si uu isagana 25-ka Jaranjaro ee kusii xigtay inta laga gaaro usii maaweeliyo Asxaabtiisa, sidii buuna uga qosliyay, illaa Kii Saddexaad uu isagana Sheekadii ka bilaabo si 25-ka u dambeysa ee Jaranjarooyinka ah uu isagana u mootiyo, kolkaas ay ay tagayaan Dabaqii 75-aad ee ay deganaayeen.
Laakin yaabku wuxuu yahay in markii ay iyagoo Daalay oo tabartii ka dhamaatay gaareen Qolkoodii uu Mid iyaga ka mida yiri : Sheekada ugu yaabka iyo Qosolka badan ee aan haayo waxaa waaye inaan Furihii Qolkeena ugagasoo tagnay Jaranjarada ugu hooseeysa ee Guriga!!
Madaxa ayeey wada qabsadeen, waana ay Ooyeen, waayo waxay ku qasbanaadeen inay mar kale 75-tan Dabaq hoos ugusii dagtaan si ay Furahii Qolka usoo qaataan
—————————————-
Sheekadan Xikmadda ku jirta waxaa weeye, Bani Aadamku 25-ka Sano ee Noloshiisa ugu horeysa Dhalinyaranimo iyo Damaashaad bay u badantahay inuu kusoo qaato, 25-ka ku xigta illaa uu 50 JIr ka noqdana Caruur korin iyo Nolol raadis buu ku jiraa, iyadoo intaas wixii ka dambeeyay illaa uu 63 ama Dhowr Sano ku darsado sida Nabigeena NNKH uu ku yiri Xadiith (Umadeyda Da’doodu waxay u dhexeysaa 60 iyo 70, waxaana aad u yar inta kasii sare mareysa), waxay Sanadahaas u dambeeya  wuxuu bilaabayaa in Lacagtii uu soo shaqeeyay uu ku bixiyo Caafimaadkiisa iyo daweyn, iyo Howlaha Ilmihiisu ay ka rabaan. Waxaase Nasiib xumo ah.
Xusuusnoow Furaha Janada oo Camalka suuban iyo Cibaada ah wuxuu yaalaa 25-ka Sano ee Noloshaada u horeysa oo ay Awoodaada soo xoogaysanayso, hadaadse kasoo tagto waxaad Rabigaa hortagaysaa adigoo Jeeb maran oo aan waxbana soo qabsan, markaas baad ku biireysaa kuwa oranaya Maalinta Aakhiro Ilaahayoow dib noo celi aan iminka wax fiican oo Cibaado ah soo qabsanee:

Sheeko Aad U Qosol Badan




Sheeko Aad U Qosol Badan Aqris Wacan Aqyaarta

HADDA KA HOR AYAA NIN CIIDAN AH AYAA WAXA UU KA TAGAY XAASKIISA IYO CARUURTIISA WAXEEY HORAY ISKU SII RAACEEN NIN AY DERIS AHAAN JIREEN WAXEEY AADEEN DAGAAL, NINKII XAASKA IYO CARUURTA LAHAA AYAA DAGAALKA KU DHAAWACMAY WAXAA LA DHIGAY CISBITAAL CIIDANKA LEEYIHIIN OO KU YIILAY XERADII MILITERIGA EE AY KU XAREEYSNAAYEEN QEYB KA MID AH, SXBKIISANA FASAX AYUU SOO QAATAY mAGAALADII AY KA TAGEEN AYUU YIMID.CABAAR MARKA UU NASTAY AYAA WAXA UU U TAGAY NAAGTII UU SXBKIISA QABAY WUXUUNA DHAHAY NINKAAGA QOORAHA AYEEY XABAD OOGA DHACDAY BES WAAYE RAJO RAGANIMO XAGEEDA AH MALAHAN CAMAL .. NAAGTII OO NIYEEYSATAY IN AY NINKEDA RAGANIMADIISA AY U DHAMAATAY AYAA GALAB GALBAHA KA MID AH IYADOO GURIGA BANAANKIISA FADHIDO AYAA WAXA AY MEEL DHEER KA ARAGTAY ODAYGEEDA OO SOO SOCDO CISBITAALKIINA KA SOO BAXAY CIYAALKA AYAA KU ORDAY AABAHOOD SI AY HAB U SIIYAAN MAADAMA AY MUDO OOGU DAMBEEYSAY , CIYAALKIISA OO KU SOO ORDAAYO IYO XAASKIISA OO BANAANKA FADHIDO MARKA UU ARKAY DHOOLCADEEYS IYO QOSOL AYUU SOO ISKU DARAY , MARKAASAA NAAGTA INTA AY FIIRISAY AY TIRI ...( FIIRI ADI WAABA II SOO QOSLAA SIDA NIN QOORO LEH CAMAL kkkkkkkkk

Hindi Afsomali Dookudu Free Ku daawo




daawo oo ka daawo webkaan kuna dhufo si aad utagto meshaad kadaawan laheed






Qiso Laga Naxay Mas Iyo Wiil yar Daawo

Mas La Lagu Qiyaasay %0 Miter oo Mataan La Ahaa Wiil Yar QiSo Ka Dhacday Somalia